Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Baydhaba oo uu ka socda shirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku soo qul-qulayay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxnimo ee dowlad goboleedka KG Somalia , taasoo sida qorsheysan ka dhici doonta xarunta shirka ADC ee magaalada Baydhaba dhamaadka bishaan Febraayo, isla markaana ay ka qayb-gali doonaan musharaxiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasadda.
Hadda tirada musharraxiinta ayaa kor u dhaafaysa 6 musharax kuwaasoo si rasmi ah codsigooda xilka madaxtinimada dowlad goboleedka KG u gudbiyey guddiga doorashada ayaa waxaa qaarkood ay yihiin qurba-joog in badan ka maqnaa dalka iyo kuwa horey ugu sugnaa dalka in muddo ah, waxaana ololahooda doorashada aad looga dareemayaa guud magaalada Baydhabo, iyaga oo hadba la shiraya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee iyagu u xuubsiibtey golaha sare ee wakiilada dowlad goboleedka KG si ay uga dhaadhicayaan qorshahooda hadii la doorto.
Loolanka ugu weyn ee ololaha doorashada ayaa u muuqda mid u dhaxeeya musharaxiinta afar ah oo ay ugu horeeyeaan C/laahi Maxamed Idiris Leesta, Dr Maxamed Cali Xaamud, Cabdifataax Geeseey, Madoobe Nuunow, waxaase ilaa iyo hadda la saadaalinayaa in xilkaasi labada mushara ee kala ah C/laahi Maxamed Idiris Leesta iyo Dr. Max’ed Cali Xaamud oo in muddo ahaa qurbo joogta degan Australia horeyna u soo qabtey xilka wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee dowladii kacaanka, labada musharax ayaa waxaana taageero ay ka haystaa beelaha waaweyn iyo inta badan golaha guurtida oo iyagu ah cida dooran doonta madaxweynaha dowlad goboleedkaas oo ka kooban lix gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool iyo gobolka Gedo.
Hadaba ilaa iyo hadda isa soo sharaxday iyo gobolada ay ka soo kala jeedaan ayaan halkaan ku soo koobaynaa.
- Musharax C/laahi Max’ed Idiris Leesta, oo ka soo jeeda Gobolka Bay, gaar ahaan degmada Baydhabo
- Musharax Max’ed Cali Xaamud, oo ka soo jeeda Gobolka Bakool, degmadiisa Tiyoogloow.
- Musharax C/fataax Geesey oo horey u ahaa gudoomiyihii gobolka Bay, kana soo Gobolka Bay degmada Bardaale,
- Musharax Madoobe Nuunow Max’ed oo horey u ahaa xildhibaanadii barlamaanka DKMG, kana soo geedo gobolka Bay, degmada Diinsoor.
Musharaxiinta ilaa iyo haatan isu soo taagtay ayaa waxaan ku jirin dad ka soo jeedo afarta gobol ee muhiinka u ah maamulka KG galbeed Soomaaliya kuwaasoo kala ah Jubbada dhexe, Jubbada Hoose, Gedo iyo Shabeelaha Hoose oo intuba ah gobolo dadka ka soo jeedo muhiim u yihiin siyaasada KG, ilaa iyo haddana ma jiro hal qof oo goboladaas ka soo jeedo oo gudbiyey codsiga qabashada xilka dowlada goboleedka KG.
Ugu dambeyntii tirada musharaxiinta ayaa laga yaabaa in ay tiradooda intaas ka badato maadaama weli guddiga doorashada aysan xadidin waqtiga kama dambeysta ah ee uu ku eg yahay qabashada araajida musharaxiinta.
Idale News Online, Baydhabo