Addis(INO)-Iyadoo khilaaf Xoogan Oo siyaasadeysan Uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Shariif kulan dacwad ka dhan ah waxa uu u gudbiyey Madaxda Dalka Itoobiya.
Kulanaka oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dowladda Itoobiya ayaa waxa wada qaatay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal Wasaaraha wadankaasi Hailemariam Desalegn.
Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay in dacwada ka Dhanka ah Maamulka Jubba uu u gudbiyey Madaxdii kulanka uu la qaatay isagoona sheegay in si dhex dhexaadnima ah oo la xaliya khilaafka labada Maamul Ee Jubba iyo KG Soomaaliya ee ku kala tagay dhisida Baarlamaanka Jubba oo Lagu tilmaamey in aysan ku dhisneyn Xaqiiqda Beelaha Goboladda Jubooyinka.
Wararka Shabakadda Idale News Online heleyso ayaa sheegaya in Madaxda Dalka Itoobiya ay si deg deg ah ugu yeereen Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, walow aan la ogaan Karin maliinta uu halkaasi gaari doono.
Ugu dambeyntii Labadan Maamul ayaa Hoose ah ka amar qaata Dowlada Itoobiya waxana jira in dacwada uu gudbiyey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ay durbaba ka jawaabtay Dowladaasi maadaama si deg deg ah loogu yeeray Hogaamiyaha Maamulka Jubba.
Idale News Online, Addis Ababa.