Muqdisho(INO)-Qarax xoogan iyo is rasaaseyn muddo socotay ayaa saaka aroortii ka dhacay Iskuul ku yaala degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo Iskuulkan uu ahaa meel lagu tababaro ciidamada nabadsugida.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhacay abaarihii 6-dii subaxnimo ee saaka.
Qaraxa ayaa halka uu ka dhacay ay ku dhow-dahay Iskuulkii Shibis oo ku dhow Maxfalka, waxaana halkaas la sheegay in is rasaaseyn muddo socotay ku dhex martay Ciidamadii ilaalada ka ahaa iyo rag hubeysan.
Warar qaar ayaa sheegaya in ragga weeraray halkaas ay qaldeen bartilmaameedka oo aanay gelin iskuulka, waxaana jira khasaaro ka dhashay weerarkaas oo ay ku jiraan dad rayid ah oo degenaa guryo ku dhow halka weerarka ka dhacay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ragga hubeysan ku soo qaadeen Iskuulka Shibis, isagoo xusay inay dib ka soo sheegi doonaan wixii khasaare ah.
Weerarkan saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, iyadoo Al-Shabaab ay horay ugu goodiyeen inay kordhinayeen weerarada bisha Ramadaan.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online, Muqdisho