Dhageyso: Xildhibaan Khadro Oo Si Kulul Uga Hadashay Bixin la’aanta Mushaaraadka Shaqaalaha DFS

0
229

Muqdisho(INO)– Xildhibaanada baarlamaaanka Soomaaliya oo manta uu hor imaan doono Wasiirka Maaliyada iyo gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa si kulul uga hadlay maqnaanshaha Mushaaraadka ciidamada dawladda, Shaqaalaha rayidka ah iyo Mudanayaasha baarlamaanka oo aan bilahan helin Xaquuqdooda.

Baarlamaanka-Cusub1

Mudanayaasha ayaa sheegay in hadii uusan Wasiirka Maaliyadu cadeyn meelaha ay ku baxday Lacagta dalka Soomaaliya, uu jagada uu hayo bananeyn doono, waxa ayna sheegeen in ay wax fool xun tahay in Shaqaalaha ciidamada amaanka, Xildhibaanada iyo kuwa rayidka ah mushaarkooda la waayo.

Khadro Axmed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dawladda Soomaaliya lacago badan soo galaan, isla markaasna aysan garaneyn qaabka loo maareeyo lacagtan oo ah mid faro badan, marar badan la ogaaday in si khaldan loo maamulo lacagtan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here