Madaxweyne Obama oo sheegay in la soo gaba gabeen doono Daacish, ka hor inta aanu Xafiiska ka tagin

0
196

Washington(INO)- Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in la burburin doono Ururka Daacish, ka hor inta aanu Xafiiska Shaqada ka tagin sanadka 2017-ka.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa sheegay isbahaysiga uu Mareykanku hogaamiyo ee la dagaalamaaya Ururka Daacish, ay soo gaba gabeen doonaan jiritaanka Ururkaasi, mudada kaga harsan inta uu dalkaasi ka arriminaayo.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu Ururka Daacish ku tilmaamay mid qariban oo mixnad badan, ayna ka shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa jiritaanka Ururkaasi, oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Isagoo la hadlaayay Radiyaha MBR, ayuu xusay in dhibaatada keliya uu Ururkaasi u gaysan karo Mareykanka, ay tahay in shacabka ay wax ka bedelaan qaabka ay u nool yihiin iyo ku dhaqanka shuruucda wanaagsan.

Barack Obama, ayaa ku celceliyay in wadamada isbahaysiga ay ka go’an tahay wiiqitaanka Daacish, maadaama Daacish loo arko halis ku soo korortay dunida. Daacish waxay dhisan tahay muddo laba sano oo qura.

Aqalka Cad Mareykanka, ayaa bishii September ee sanadkii 2014-ka amray in weeraro dhanka cirka ah laga fuliyo dhulka ay gacanta ku hayso Daacish.

Diyaaradaha isbahaysiga, ayaa qaaday sagaal kun (9,000) oo weeraro cirka ah, waxayna horseeday in Daacish lagala wareego boqolkiiba afartan (40%) dhulka ay gacanta ku hayso

 Idale News Onine, Washington