Djibouti (INOWE)—Wararka ka imanaya wadanka Djibouti ayaa sheegaya in dad ka badan toban ruux ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada Booliska iyo dad ka qeybgalayay munaasabad xuska Mowliidka ay isku dhaceen.
Mucaaradka ayaa ku tilmaamay in booliska weerareen goobta uu shilku ka dhacay ayna is ulakac ah rasaas ugu fureen dad ka qeybgalayay xuska Mowliidka,
Hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliska dalka Djibouti ayaa beeniyay eedeymahaas isagoo sheegay in Booliska ay soo weerareen koox mucaarad ah ayna is difaaceen oo kaliya.
“Waxaa goobtaas ku sugnaa koox ay soo abaabuleen mucaaradka waxayna soo weerareen booliska oo halkaa ammaan u joogay waxaana ka dhaawacantay booliska ciidamo kabadan soddon ruux.”ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska dalka Djibouti Cabdullaahi Cabdi Faarax.
Ma jiro warar madax banaan oo ka hadlaya isku dhacan dhex maray ciidamada Booliska Djibouti iyo dad ka qeybgalayay mowliidka NNKH.
Dalka Djibouti ayaa ka mid ah dalalka ugu ammniga wanaagsan wadamada ku yaal Bariga Afrika. Waxana ka jira axsaab siyaasadeed aan hubeysneyn taasoo keentay in dalku ammaankiisa uu wanaagsanaado.
Idale News Online,DJabouti