Madaxweyne Ku Xigeenka KGSoomaaliya Maxamuud Sayid “Dowladda waa inay aqoonsataa maamulkeenna”

0
182

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban lixda gobal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsanayaan inay maamulkaasi aqoonsato maadaama uu heysto taaheero shacab.

Waxa uu sheegay inay doonayaan in maamulka ay ku ballaariyaan dhammaan deegaanada lixda gobal maadaama hadda ay ku sugan yihiin oo kaliya magaalada Baydhabo oo lagu dhisay Koonfur Galbeed maamulkan la magac baxay lixda gobalna ka kooban.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa digniin u jeediyay dadka ka soo hor-jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku tilmaamay inaysan doonaynin in laga shaqeeyo rabitaanka shaqada.

“DF waa inay tixgalisaa rabitaanka shacabka waxa aynu ka dalbanayno waa inay aqoonsataa maamulkan oo runtii lixda gobal mideynaya” sidaas waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka maamulkalixda gobal.

Dhowaan waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay tagaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya si ay uga shaqeeyaan isu soo dhowaanshiyaha siyaasiyiinta kala fikir duwan ee ku sugan magaaladaasi.

Nuunow

Idale News Online, Baydhaba