Madaxweynaha Turkiga “Safarkeyga Somaliya Kama Baaqanayo”

0
228

Anccara(INO)-War kasoo baxay Goor dhaweyd oo Casirkii ah Xafiiska Madaxweynaha Dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa lagu sheegay inay Caafimaad qabaan Wafdi Turki ah oo maanta kusugnaa Hoteelkii la isku miidaamiyey Magaalada Muqdisho.

basbakan-Recep-tayyip-erdogan-akp

Waxa uu sheegay Madaxweyne Tayyip Erdogan inuusan baajin doonin Socdaalkii uu berri ku imaan Lahaa Muqdisho.

Wakaalada Wararka Ee Dalka Turkiga anadolu  ayaa waxay sheegtay in Socdaalka Madaxweynaha Dalkaasi uu yahay mid Muhiimad gaar ah uleh marka uu Soomaaliya imaan doono.

Qarax Ismiidaamin ah oo loo maleynayo inay Al Shabaab geysteen ayaa waxa uu maanta ka dhacay duhurkii Meel ku dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo la doonayey in lagu qal qal geliyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo berri imaanaya Muqdisho.

Idale New Online, Anccara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here