Baydhabo(INO)- Magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka goboleedka Koofur Galbeed soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku talaabsatay hormaro kala duwan, iyadda oo haatan laga hirgaliyanaa nalalka ku shaqeeya Cadceedda ee soolarka ah oo ay ku deeqday wasaarada Arimaha dibada ee dalka Norwey.
Arinta nalalka ku shaqeeya Cadceeda ee laga hirgalinayo magaalada Baydhabo waxaa si weyn u soo dhaweeyey masuuliyiinka gobolka Baay, kan degmada Baydhabo ,waxgaradaka , siyaasiyiinta iyo gancsato
“waxaan u arkaa arintaani mid wanaagsan waxayna ka mid tahay hormarada ka bilaabanaya magaalada baydhabo waxay ka qayb qaadanaysaa amaanka magaalada waana hormar aan ku taamay nay in badan waana soo dhaweynayaa “ayuu yiri Ibraahim Maxamed Nuur oo ka mid ah ganacsatada magaalada baydhabo
Nalalkaan ku shaqeeya Cadceeda oo ay ku deeqdey Wasaarada arimaha dibada ee noorwey oo ayna fulinayso maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa laga hir galilyey wada dheer ee aada magaalada Muqdisho, tan aada dhinaca Degmada Bardaale iyo Wadadda isbitaalka weyn iyo waliba inta badan wadooyinka dhaxmara magaalada baydhabo.
“shacabka Koofur Galbeed Soomaaliya hadii aynu nahay waan ku faraxsan nahay Balse waxaan Maamulka Koofur Galbeed iyo dowlada dhexe aan ka codsaneynaa in sidoo kale naloo dhiso wadooyinka qaar ee bur bur san“sidaa waxaa yiri Aadan Rooble oo ka mid ah dhalanyada ka shaqeeya mootooyinka Bajaajka loo yaqaano
Si kastaba arintaani ayaa waxaa ay qayb weyn ay ka qaadanaysaa bilicda magaalada iyo sidoo kale sugida amaanka magaalada baydhabo oo baryihii udanbeeyey uu faraha ka sii baxayey.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Soamalia.