Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhaabo Ee xarunta Gobolka Bay, waxay ka mid tahay magaaloyinka Sida Weyn waxbarashada ugu socoto dalka soomaaliya isla markaana Magaaladu waxa ay leedahay Jaamacado , Machadyo lagu barto Culuumta kala Gedisan, Ee Sayniska, Arimaha Bulshada Iyo Daraasada Diinta Islaamka.
Tan iyo markii Ay Burburtey Dowladii Dhexe ee dalka waxa dalka Soomaaliya ku soo Badanayey Iskuulo Gaar loo leeyahay isla markaana ay Hoos Imaadaan Dalada Ahliga ee waxbarashada Soomaaliyeed Ee FPNES, taaso iskuulada ka caawineysa Dhanka shahaadda iyo weliba Imtixaanka Ugu Dambeeyo Ee Form-4ka.
Hadaba Tira Koob Rasmi Ah Oo Uu Sameeyey Mid ka mid ah Aqoonyahada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Isla markaana Kana mid ah Gudiga Boorka Jaamacadda Jubbadda Sare Ee Baydhabo Janaay Oo lagu Magacaawo Prof. Idiris Cabdi Axmed Taktar Ayaa Sheegey In 11,500 arday Ah ay Dhigataan Guud Ahaaan iskuulada Hoose , Dhexe iyo Sare ee Magaalada Baydhabo Janaay.
Sidoo Kale Dhamaan Iskuuladan waxaa iska leh Shaqsiyaad Wuxuuna arintani Uu Ku Tilmaamey Guul Aad Weyn Oo ay gaareen Shacabka Magaalada Baydhabo isla markaana Waxa Uu Dhaliiley Kaalintii Dowlada Soomaaliya Hayadaha ku Howlan Arimaha Waxbarashada iyo weliba Qurba Joogta Soomaaliyeed Gaar Ahaan Kuwa U Dhashey Degaanada Koonfur Galbeed soomaaliya Oo Ay ka Gaabiyeen Kalintoodi.
Dhan kale Prof. Idiris Cabdi Axmed Taktar Ayaa Amaaney Shacabka Magaalada Baydhabo Janaay Sida Ay Wax U Qabadeen Waxa Uu Ku Nuxnuxsadey in Howlaha Arimaha Bulshada sida Biyaha , Korontada , Waxbarashada iyo Jaamacadaha Uu Sheegey In Ay Sameeyaan Shaqsiyaad ka mid ah Shacabka Gobalka Bay , Iyagoo Muujiyey Dadaal Buuxiyeyna Kaalintii Baahida Bulshada, taasoo ahayd in Ay Buuxiso Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka, Waxa Uu Eedayey Ku Dusha Ugu Tuurey Dowlada Soomaaliya Oo uu Ku tilmaamey Dowlada Musuq maasuq la digtey, Ayadoona Dhawaan Baarlamanaka Soomaaliya Uu Ansaxiyey gudiga La Dagaalanka Musuq Maasuq Dalka.
Sidoo Waxa uu Sheegey In Shacabka Magaalada Baydhabo ay Bixiyaan Ama Laga Qaado Canshuur Isla makaana, aaney waxba looga Qabneynin Bulshada Baydhabo, taasoo Weli u baahan in la is weydiyo Halka Ay ku dhacdo Lacagdaasi, Waa Sida Halka U Dhige ee.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.