Baydhabo ( INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Waxaa Wafdiga Madaxweynaha ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo Madaxweynaha Socdaalkiisa ku wehlinaya , waxaana Wasiiradda ugu cad cad ee la socda Madaxweynaha ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo la sheego in Madaxweyne Xasan Sheekh Saaxiib dhow yihiin.
Sida Wararka aynu ka heleyno Magaalada Baydhabo soo warinayaan waxaa halkaas Wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.
U jeedka Socdaalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu u kuur galayo qaabka ay u socdaan howlaha Soo xulista Baarlamaanka , waxaana Maamulka Koofur Galbeed la sheegaa in uu yahay meesha Xildhibaanada ugu badan ee Baarlamaanka ka imaanayaan.