Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Serbia H.E. Ivan Zivkovic oo Muqdisho booqasho ku yimid.
Madaxweyne Xasan iyo Safiirka waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay Serbia kaalin mug leh uga qaadan laheyd dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgeshiga dalka.
Afhayeenka Madaxweynaha Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka Serbia uu guul ku soo idlaaday, islamarkaana ay isla meel dhigeen arrimo badan oo labada dal ku saabsan.
Madaxweynaha Serbia iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey isagu arkay New York iyo Addis Ababa, taasi oo keentay in maanta uu Muqdisho booqasho ku yimaado safiirka dowladda Serbia u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
-DHAMAAD-
Idale News Online muqdisho.