Mareykanka oo sheegay in dalka Cuba laga saari doono liiska dalalka argagaxisada taageera

0
226

Washington(INO)-Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Hussein Obama, ayaa daboolka ka qaaday in Mareykanku uu Dowladda Cuba ka saari doono liiska dalalka taageera ururada argagaxisada, sida uu yiri.

Madaxweynaha oo booqasho ku joogga dalka Jamaica, ayaa ka sheegay inay soconayan dadaalo dalka Cuba looga saarayo dalalka dunida, ee ururada argagaxisada maalgeliya.

Madaxweynaha, ayaa xusay in Wasaaadda Arrimaha Mareykanku ay ku hawlan tahay, sidii dalka Cuba looga qaadi lahaa xayirada saaran, isla-markaana ay suggayan talo ka soo bixin ay sameeyan kalkaaliye-yaasha.

US President Obama greets Cuban President Castro at the memorial service for Nelson Mandela in Johannesburg

Senator Ben Cardin oo laga soo doortay Gobolka Maryland, kana mid ah Guddiga Senatarada Xiriirka Arrimaha Dibadda, ayaa shaaciyay in guddigu uu ku taliyay in Cuba laga saaro liiska wadamada quudiya argagaxisada.

Cardin, ayaa sidoo kale sheegay in guddigu uu soo jeediyay in bog cusub ay bilaaban dalalka Mareykanka iyo Cuba, ka dib muddo toboneeyo sano ah oo xiriirkoodu uu xumaa.

Mareykanka iyo Cuba, ayaa billihii ugu dambeeyay qaaday tallaabooyin, ay ku doonayan inay dib ugu soo celiyan xiriirkooda, oo go’ay muddo 50 sano laga jooggo.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here