Qansaxdheere(INO)-Qof Shacab ah oo ka soo jeeda Deegaanka Korombood ee Gobolka Bay, isla markaana Gaadmo ku Laayey Dagaal yahno ka tirsan Al-shabaab ayaa Noqatey hadal hayta Ugu badan ee degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madeey Nuunow ayaa dhawaan Wasaarada Hub Ka Dhigista, Dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyadka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ay kula Kuluntey degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, waxaana iminka uu ku sugan yahay Xerida Amisom ee degmada Qansaxdheere.
Ninka Ayaa weerar ba’an ku qaadey Kaligiisa, Saldhiga Militiriga Al-shabaab ee Weel Wanre oo ah meel ay ku Xoogan yihiin Al-shabaab oo u dhexeya Degaanada Barbaare iyo Korombood ee Galbeedka Gobolka Bay, isla maarkaana aad ay u adag tahay in la weeraro.
Ninkan Shacabka ah ayaa ku weerarey xeeradaasi Bambaanooyin iyo hub fud fudad xilligaasi oo ay ku suganaayeen Dagaal yahano ka tirsanaa kooxda Mayalka adag ee soomaalida Al-shabaab.
Al-shabaab Ayaa durbaba halaasi isaga firxaday iyagoona Ka cararey xerada Weel Wanre ee U dhow degaanka Korombood oo Ka Tirsan Degmada Qansaxdheere.
Weerarkan bareerka ah ee u qaadey Madeey Nuunow isla markaana ah qof rayid ah ayaa Ka yaabisey Ciidamada DF Soomaaliya iyo Kuwa AMISON , sida geesinimada leh ee uu weerareey Kooxda Argigisada ah ee dhibaatada Ku haaya Bulshada degaanadaasi.
Wareerka ka dib madeey Nuunow waxa uu Soo mareey Degaanka Korombood hlkaasoo uu khudbad gil giliysey Laabta Dadka degaanka ugu soojeediyey, isla markaana waxa u sheegey in la gaarey xilligii Al-shabaab la iska xureyn Lahaa, sidoo kale na waxa uu u sheegey in dadka Degaanku Ay Taagyeeraan Geeda Socodka nabada Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Waa Markii Ugu horeysey qof rayid ah uu kaligii weeraro Al-shabaab guud ahaan Gobolada Soomaaliya Gaar ahaan koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uu noqonay Qof Halyey ah oo ku dayasho Mudan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo