DHAGEYSO: Madaxweynaha KG Soomaaliya Oo Booqadey Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
197

Xudur(INO)- Wefdi balaaran uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka 3da Gobol Ee Koonfur gakbeed soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa Maanta Booqadey Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
News_live_logo_

Booqashadan uu ku tagey gobolka Bakool ayaa noqoneysa tii ugu horeysey uu ku tago degmada Xudur tan iyo Markii Loo Doortey madaxweynha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Wareys Xildhibaan Maxamed xuseen.

Booqashada Madaxweyne Shariif Xasan ayaa la sheegey inay ku qotoman tahay sidii ugu kuur gali lahaa xaaladaha amni iyo bini’aadaninimada Ee ka jira Guud ahaan Gobolka Bakool.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobol Bakook oo ugu horeeyo gudoomiyaha Gobolka Bakool maxamed Cabdi Toll, Gudoomiyaha Degmada Xudur, Odayaal iyo Dadweyne aad u fara bdan ayaa si weyn u soo dhaweeyey wefdi madaxweyne Shariif Xasan Sheekh.

Shariif Xasan sheekh ayaa ugu baaqey madaxda maamulka Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ciidanka DF soomaaliya ee ku sugan Degmada Xudur inay sii kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Mayalka adag ee argigixisada Al shabab.

Halkan ka Dhageyso Wareysi Wariyaha Idale News Online, Ee Baydhabo Janaay Cabdinuur Mayow Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa ka codsadey madaxweyne Shariif Aadan inuu soo dhiso dowlad tayo leh isla markaana gargaar,la soo gaarsiyo dadka ku dhaqan Gobolka oo nool xumo ku haysato, ka dib markii wadooyin badan oo soi galla Gobolkaas ay Xireen kooxda Al shabab oo dagaal adag kula jirto Dowlada soomaaliya iyo weliba ciidamada Midowga afrika Ee AMISOM.

Idale News Online,Xudur