Madaxweynaha & Gudoomiye Jawaarey oo isku mari la’a arrimaha shirka Baydhabo.

0
169

Kulan gaar ah oo xalay gaaray saqdii dhexe, isla markaasna ka dhacay Aqalka Madaxtooyada oo si gaar ah udhexmaray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sh Mohamud iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Max’ed Sh Osman Jawhari ayaa laysku mari waayay qadiyada dhismaha maamulka sadexda gobalka ee dhismihiisu ka socdo magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay Madaxweyne Xasan in la joojiyo shirkaas, hakadna la galiyo mudada ay socdaan dadaalada Siyaasadeed iyo xalka lagu doonayo in dhamaanba maamulka laga qeybgaliyo xubnaha ka soo horjeeda ee diidan, lana tixgaliyo amarkii Raysalwasaaraha Soomaaliya uu bixiyey ee ahaa joojinta dhismaha dawlad gobaleedkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa diiday joojinta shirka, wuxuuna sheegay in ay dhamaanba shacabka deegaanadas diyaar uyihiin dhismaha Maamulkan,isla markaasna intaan la tagin shirweynaha ka dhacaya dalka Denmark ay muhiimad weyn uleedahay dawladda Soomaaliya, in uu yimaado maamulkan cusub.

Gudoomiyuhu waa uu diiday qorshaha Madaxweynaha, waxaana la xaqiijiyey in shirkaas xalay fashilmay, taas oo ayana qeyb cusub ka noqon doonta heshiis la’aanta madaxda dawladda Soomaaliya.

Jawaari wuxuu caqabad siyaasadeed oo ku timid siyaasadiisa u arkayaa doorashada Shariif Xasan Sh Aadan oo la rumeysan yahay in uu Madaxweyne ka noqon doono Maamulka Koonfur Galbeed, halka Madaxweyne Xasan Sheekhna uu wato Shariif Xasan.

Is mariwaagan Siyaasadeed ayaa kordhin kara kii horay ugu dhaxeeyey Madaxweynaha dawladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Raysalwasaaraha oo ay la safan tahay inta badan xubnaha Beesha Caalamka.

xasan

Idale News Onlin, Muqdisho