Shirka Baidoa ka socday oo khilaaf hor leh dhex dhigay madaxda sare ee dowlada ayaa uGu dambeyntii laga gaarey go’aan kmg ah oo lagu hakinaayo shirkaasi muddo 2 isbuuc ah.
Shirka oo horey loo Gudoomiyaha Barlamaanka & Ra’iisul Wasaaraha Somalia ay hakad galiyeen ilaa amar dambe ayaan dheg jalaq loo siin oo waxaa amar diido sameeyey wasiiradii iyo guddigii farsamada ee howshaas qaabilsnaa kuwaas oo taageero hoose ka helaayey Madaxweyne Xasan. Waxaana hadda muuqata in shirku markaan hakad galaayo maadaama ay 3da masuul ee ugu sareysa dowlada ay si wadajir ah u soo saaraan go’aan lagu xiraayo shirka muddo 2 isbuuc ah. Arrintaan ayaa ka dambeysey markii habeenkii xalay ahaa kulan saacado qaatey ay isugu yimaadeen Madaxweyne Xasan iyo Jawaari markii dambe uu isku soo biiray Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo cadaadis ku saarey madaxweynaha in shirkaas la xiro.
Madaxweyne Xasan ayaa qorsheynaayey in si deg deg ah maamulkaasi loo dhiso ka hor inta aan la aadin shirka Copenheagan, waxaana si hoose Madaxweyne Xasan Sheikh & xildhibaan Shariif Xasan Sheikh ugu howlanaa qorshe ah in Beelaha DM ay qaataan Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed halka Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha ee Hawiye iyana la siiyo Madaxweyne Ku xigeen, qorshahaasi oo si xowli ah ku socdey waxaa dabada qabsadey Jawaari iyo Abdiwali Sheikh oo labaduba u arkaayey in shirkaasi abuuri karo dhibaato hor leh oo goboladaas saameeysa.
Shaqsiyaadka MadaxweyneXasan Sheikh daneynaayey in ay hogaanka maamulkaasi qabtaan ayaa kala ahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo C/xakiim Cabdi Caruush oo la dhashey Istarliin Cabdi Caruus oo si weyn looga yaqaano deegaanka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose (Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Koowaad).
Si kastaba ha ahaatee qorshaha uu madaxweyne Xasan ka leeyahay dhismaha maamulka KG ayaa weli waxaa faraaqa ku dhigan siyaasiyiin iyo dadka deegaan ka 3daas gobol oo iyagu dooneynaaya in ay masiirkooda xor u noqdaan.
Idale News Online