Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kula kulmay Xarunta Xalane Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Stephen Schwartz, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Gaalkacyo, doorashadii Aqalka sare iyo arrimo kale.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa Madaxweynaha Galmudug kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay safiirka Mareykanka in Galmudug diyaar u tahay nabad ku wada noolaanshaha magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu sheegay inay soo dhoweynayaan baaqyada nabadeed ee ku aadan joojinta dagaalka, isagoo ku eedeeyay maamulka Puntland inuu ka mas’uul yahay dagaalka Gaalkacyo.
Dhinaca kale Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Galmudug ay kala shaqeynayaan arrimaha amniga, dhowaan ay saldhig ka furan doonaan deegaanada Galmudug, si ay ciidamada Galmudug ugu tababaraan una taageeraan.
Dad badan ayaa aaminsan in Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay ka soo bilaabatay duqeyntii Mareykanka uu bishii September ka fuliyay Mudug, kaasoo lagu dilay askar ka tirsan Galmudug, waxaana Puntland iyo Mareykankaba sheegeen in duqeyntaas lagu dilay Al-Shabaab, balse Galmudug ayaa ku eedeysay Puntland in warbixin qaldan ay siisay Mareykanka.