DEG DEG: Ciidamada Ammaanka oo caawa Muqdisho ku toogtay nin dilay Sarkaal ka tirsan Milateriga

0
162

Muqdisho(INO)— Ciidamada ammaanka ayaa caawa magaalada Muqdisho ku toogtay nin ka mid ahaa dabley hubeysan oo gabal dhicii ku dilay degmada Hodan Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiisha ammaanka ayaa sheegtay in ninka la dilay uu ku lug lahaa dil loo geystay G/sare Siyaad Axmed Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Milateriga.

Ciidamada ammaanka ayaa ku raad-joogo kooxihii kale ee ku lugta lahaa dilka sarkaalka, waxaana caawa xaafado ka tirsan degmada Hodan lagu arkayay ciidamo badan oo howl gallo ka waday.

Habeen hore ayay aheyd markii Dabley hubeysan ay ku dileen degmada Waabari Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida.

Dilalka loo geysanayay Saraakiisha ciidamada ayaa muddooyinkan ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyada dilalkaas sheegatay Al-Shabaab.