Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan uu wado qorsho uu xilalka uga xayuubinaayo Agaasimaha Madatooyada Baydhabo, Madaxa amniga Madaxtooyada iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalaada ka ah Madaxtooyada.
Kulan loogahadlaayo arrimaha Amaanka Magaaladaa Baydhaba iyo weerarkii ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa la sheegayaa in lagu soo hadal qaaday Feejignaan la’aanta Saraakiisha iyo Agaasimayaasha Madaxtooyada waxaana xusid mudan in kulankaasi lagu sheegay in Mas’uuliyiin badan ay xilkooda ku weyn doonaan weerarkii lagu soo qaaday Madaxtooyada.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan is bedel lagu sameyn doono Ciidamada gaacanta ku haya Amaanka Madaxtooyada, waxaana suuragal ah in gudaha Asbuucaani Xafiiska Madaxweyne Shariif ay kasoo baxdo Digreeto xilka looga xayuubinaayo Xubnaha aan kor kusoo xusnay.
Qorshahaani ayaa waxa uu ka dambeeyay weerarkii duulaankii ay Maleeshiyada Alshabaab ku qaaday Madaxtooyada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in qorshahaani xilka looga qaadayo Xubnahaasi ay ka dambeeyen Saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ee gacanta ku haya Amaanka Madaxtooyada Maamulka Koofur galbeed ee Somalia.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo