Muqdisho(INO)-Askari ka tirsan ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa shalay arin geesinimo leh ka sameeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada AMISOM ay gaari yar oo uu watay ku dhifteen gaadiidka waaweyn oo ay saran yihiin ciidamada AMISOM, waxaana la filayay in ciidamada AMISOM ay goobta ka cararayaan laakiin meysan dhicin.
Ciidamadii la socday gaariga AMISOM ayaa sidoo kale isku dayay iney xoog kaga dhaadhiciyaan askariga inuu iska baxo kadibna uu Taleefoon kasoo Waco, laakiin ruuxii gaariga la jibiyay lahaa ayaa diiday.
Murun badan kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada nabad sugida iyo ilaalada wadooyinka laakiin wey ku adkaatay iney ka dhaadhiyaan inuu dib ka Waco kadibna gaarigiisa loo sameeyo.
Muddo ku dhow hal saac markii ay isku dhaganaayeen ciidamadii AMISOM aya lasoo baxay qoryahooda, iyadoo ciidamada kale ee nabad sugida ay qoryahooda lasoo baxeen, waxayna isku dayeen iney ka cararaan laakiin gaarigii ayuu ku horjaray, weyna suurto gali weysay iney dhaqdhaqaaqaan.
Dood dheer kadib waxaa lagu qanciyay ruuxii ka tirsanaa ciidamada nabad sugida inuu horay u raaco, isagoo dalbaday in hal askari oo AMISOM ah gaarigiisa loo dhex geliyo si aysan gaadiidka looga cararin.
Waxaana ugu dambeyntii loo waday xarunta xalane ee ciidamada AMISOM halkaasi oo la doonayo in xal looga gaaro falka ay sameeyeen ciidamada AMISOM.
Shacabki ku sugnaa goobta dhacdada ka dhacay ayaa arin geesinimo leh ku tilmaamay falka uu sameeyay askariga ka tirsan ciidamada Nabad sugida Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho