Daawo:Qabrigii uu ku aasnaa Madaxweynihii hore ee Dalka Ciraaq Saadaam Xuseen oo la bur buriyay

0
295

Tikrite(INO)Magaalada Tikriit uu ku dhashay Madaxweynihii hore ee Dalka Ciraaq Saadaam Xuseen waxaa kasocda dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Ciraaq oo taageero ka helaya Maleeshiyaad shiico ah iyo Dagaalyahanada Kooxda Daacish ee gacanta ku haya inta badan Magaaladaasi.

Ciidamada Huwanta ah ayaa guulo ka gaarayay dagaalka ay kala horjeedaan Kooxda Daacish, waxa ayna hada gaareen qeybo kamid ah Magaalada Tikriit , waxa ayna ku hanjabeen Saraakiisha hogaamineysa Duulaanka ka dhanka ah Kooxda Daacish in magaalada Tikriit ku qabsan doonaan saacado kooban.

Qabrigii uu ku aasnaa Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xussen oo ku yaal duleedka magaalada Tikriit ayey ciidamada Ciraaq gaareen, kuwaasi oo sheegay in halkaasi burbur xoogleh u geysteen kooxda ISIS oo gebi ahaan burburiyey goobtii uu ku aasnaa hogaamiyihii hore ee dalkaasi.

Qaar kamid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka ayaa baahinayay Muuqaalo laga soo qaaday Qabriga Madaxwenihii hore ee Dalka Ciraaq oo kuyaala Tuulada Al-Awja , waxaana qabriga uu u muuqdaa mid gabi ahaan la bur buriyay.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here