Madaxda Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya Oo Shir Weyne Ugu Furmaya Magaalada Garowe

0
194

Garowe(INO)-Waxaa magaalada  Garowe Ee Xarunta Maamulka Puntland  la filayaa in 29 April,2015 isugu yimaadaan ,Madaxda maamulada Jubba, Koonfur Galbeed Soomaaliya , Puntland  iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

madaxda dalka

Kulankaan ayaa noqonaya kii Labaad oo ay ku kulmaan madaxweynayaasha maamuladaan  Dalka Ka jira iyo dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markii horey ugu kulmeen magaalada Muqdisho Feb 2015.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaan la xaqiijin inuu ka qayb galayo kulankaan halka warar kale sheegayaan in Ra’isal wasaare Sharmaake imaan doono magaalada Garowe.

Shirkaan ayaa wararku sheegayaan inuu socon doono muddo labo cisho ah iyada oo aan weli la ogeyn qodobada looga wada hadli dooni.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya waqti dowlada Federaalka madaxdeeda aaminsan yihiin in Maamulada Gobolada dhexe ka dhismi doonaan gobolada Galgaduud iyo Mudug halka  Maamulka Puntland ka biyo diidan tahay.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Gaas  ayaa la filayaa in maalinta berri imaan doona magaalada Garowe kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ugu maqanaa wadanka Itoobiya.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here