Madaweynihii hore Xusni Mubaaraka oo dambi lagu waayey Xasbigana laga Sii daayey & Maxamed Mursi oo xukun suge ah

0
192

Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa amartay in la sii daayo madaxweynihii hore ee dalka Masar Mubarak oo loo haysto dambiyo musuqmaasuq ah, hase ahaatee illaa iyo hadda lama shaacin waqtiga dhabta ah ee la sii dayn doono madaxweynihii hore ee dalka Masar.

Mideast Egypt Mubarak

85-jirkan ayaa sidoo kale waxaa loo haystay dilka dadweyne banaanbaxyo dhigayay kuwaasoo ka mid ahaa dadkii kacdoonka ka dhigay dalka Masar 2011.

Madaxweynihii hore ee Masar ayaa sanadkii hore waxaa lagu xukumay xabsi daa’in sanadkii la soo dhaafay hase yeeshee xukunkaa ayaa kadib la hakiyay markii uu racfaan ka qaatay.

Sii deynta Mubarak ayaa waxa ay calaamad u tahay in ay dib u soo laabtay awoodii milatariga uu ku lahaa dalka Masar kadib markii xukunka lagala wareegay ciidamada Milatariga.

Banaanbax ka dhacay dalka Masar ayaa sababay in kabadan shan boqol oo ruux kuwaas oo ahaa dadkii banaanbaxayay iyadoo ay tiro kabadana ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada dalka Masar ay si xoog ah ku kala eryeen dad banaanbaxayay.

Idale News Online