Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka ayaa Lacag ugu deeqay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Lixda Gobol ee Madaxweynaha uu u yahay Madoobe Nuunoow Maxamed.
Lacagta oo ay iska soo aruuriyeen Jaaliyada Wadanka Mareykanka ayaa la sheegay in ay Gaareeyso 100$ Kun oo Dolarr taasi oo loogu talo galay in lagu Taageero Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed.
Seynab Cali Mataan oo u hadashay Jaaliyada Soomaalid ee Lacagta ugu deeqay Mamaulka Koofur galbeed ayaa sheegtay in Lacagta ay ugu Deeqeen Maamulka wax loogu qabanayo Dadka islamarkaana lagu Hormarinayo Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Wasiirka Jaaliyadaha ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa Gudoomay Lacagtaasi waxaana uu Mahadcelin balaaran u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Lacagta u soo dhiibay Walaalahood,waxaana uu Xusay in Meel fiican lagactaasi ay ku bixi doonto.
Maamulka Lixda Gobol ee Koofur galbeed ayaa ah Maamul ay Dadka Goboladaasi ku nool ay dhisteen waxaana jirta in SHacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay Garab taagan yihiin sidii Maamulka Kor loogu qaadi lahaa.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.