Dhageyso: Wajigii labaad Ee Shirka Maamulka U Sameynta koonfur Galbeed Oo Baydhabo ka Furmaya

0
170
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka koobnaa seddexda gobolka lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaaladaasi.
 Halkan Ka Dhageyso.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Ibraahim Yarow oo ku sugan Baydhabo ayaa ugu baaqay Odayaasha inay soo dedejiyaan magacaabista ergadii ka qeyb gali lahayd shirka wajigiisii labaad ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ibraahim Yarow wasiir ku-xigeenka Wasaarada amniga oo saxaada kula hadlayay Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in shirka maamul u sameynta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee kooban gobolada Baay/Bakool iyo Shabeelaha wajigiisa labaad ay ka soo qeyb gali doonaan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh,ra’iisal wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana shirkaasi uu noqon doona mid loo wada dhan yahay,sida uu Ibraahim Yarow uu sheegay.

Inkastoo qaban qaabada maamul u sameynta gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya uu socdo ayaa hadana waxaa jira dad iyagu arimahaasi ka biyo diidan.

Garabka uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed ee Lixda Gobol ayaa waxay u arkaan shirkaan mid lagu deg degayo,islamarkaan uusan noqon doonin mid guul laga gaara.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa taageersan maamulka Seddexda gobo lee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.