Maamulka gobolka Hiiraan Magaalada Beledweyne uga qeybgalay xuska 15ka May .

0
217

Munaasabadan balaaran ee lagu weyneynayay 71 guuradii kasoo wareegatay markii la aas,aasay ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL ahna maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka bisha May oo ku beegan maanta oo kale ayaa waxaa kaqeybgalay mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidanka AMISOM ee kusugan gobolka Hiiraan iyadoo ay goobta buux dhaafiyeen dhalinyaro isugu jirta rag iyo dumar kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka uu gobolka Hiiraan ka koobanyahay si ay munaasabadda uga qeybgalaan’

Qaar kamdi ah ururada haweenka iyo dhalinyarada oo ugu horeyn goobta kahadlay ayaa sheegay in dhalinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wax soosaar leh marka sida saxda ah looga faa’iideysto taasoo muujineysa in hadii dhalinyaradu ay u guntadaaan samatabixinta wadanka uu dalku horumar weyn ku talaabsankaro.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee kusugan gobolka Hiiraan Col.Cusmaan Dubbad ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus leh marka la eego dadaalka ay xoriyadda dalka usoo galeen dhalintii ururkii gobonimodoonka ee SYL iyo sida uu u mirodhalay hamigoodii ku aadanaa in dalkoodu madaxbanaani helo’

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax oo munaasabadan soo xiray ayaa ugu horeyn u mahadceliyay ururada dhalinyarada gobolka Hiiraan sida isku duubnaanta ah ee ay ula shaqeeyaan maamulka dowladda iyo ciidamada amniga isagoo ugu baaqay inay laba laabaan dadaalada nabadda ee laga hirgelinayo guud ahaan degmooyinka hoostaga gobolkaasi.

cabdi-fataax-xsan-afrax

Idale News Online, Baladweyn.