Maamulka Degmada Diinsoor oo guulo ka sheegtay Dagaallo ka dhacay Magaaladaasi

0
227

Diinsoor (INO)—Guddoomiyaha Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, Ibraahin Maxamed Nuur Shik-Shigoow oo ugu waramaya Warbaahinta ayaa waxuu guulo ka sheegtay Dagaal Saacadihii la soo dhaafay Duleedka magaaladaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al Shabaab.

Ibraahin Shik-Shigoow ayaa tilmaamay in Dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo sameeyeen meel qiyaastii 30Km u jirta Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, Ibraahin Maxamed Nuur Shik-Shigoow oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in Dagaalkaasi ay ku dileen ku dhawaad 10 Dagaal yahan oo ka mid ahaa Ururka Al Shabaab.

Waxuu Guddoomiyaha qeexay in Dagaalkaasi sidoo kale ay hub kaga furteen Xarakada Al Shabaab isagoona tilmaamay in meel waliba ay Al Shabaab ugu tagi doonaan sida uu hadalka u yiri.

Ugu dambeyntii , Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay ayaa inta badan waxaa dhaca Weeraro ay soo qorsheeyaan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo lagu beegsado Fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here