Iska horimaad iyo Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose

0
212

Marka (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in iska horimaad Culus uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka iyo Kooxo hubeysan.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad hubeysan oo saldhiga ku leh Duleedka magaalada ay Weerar xoogan ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Marka.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa bambaanooyin waxey ku weerareen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli la cayimin halka uu la egyahay.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in Weerarkaasi kadib ay Ciidamada soo qab qabteen dhowr ruux oo lala xiriirinayo Weeraradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here