Ma dhabaa in Xukuumadda Ikhwaan Muslimiinka aheyd ee Musri lagu Afgembiyay Toorrey??. ( Siraha Qarsoon wax ka Ogaaw)

0
216

Egypt's Islamist President-elect Mohamed Mursi delivers a speech while surrounded by his body guards in Cairo's Tahrir Square

Haddal laga soo xigtay mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ikhwaanu Muslimiinta Masar, ayaa tibaaxaya in Wasiirka Difaaca Masar isla markaana ah Taliyaha Ciidanka Xooga dalkaasi uu dhabarka Tooray kaga dhuftay Madaxweynihii la afgambiyey ee Maxamed Mursi.

Abdul Mawgoud Dardery, oo u waramayey Joornaal ka soo baxa dalka Turkey oo lagu Magacaabo Xuriyaat ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ula dhaqmay Gen. Abdelfattah Al-Sisi si wuxuushnimo ah, isla markaana uu gacan saaray Madaxweynihii la doortay ee Massar.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub ay taageereen afgambi Military oo si bareer talada looga qaaday Madaxweyne Shacabkiisu doorteen.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Mursi uu si degan shaqada Xafiiska u waday, isla markaana dhawr jeer uu kula Taliyey haduu yahay Abdul Mawgoud Dardery, oo ahaa xildhibaan lagu doortay codad ka badan 12kun oo qof, inuu deg deg talaabo uga qaado xubnaha Maxkamadaha iyo Militaryga oo uu ka mid yahay Al-Sisi.

Wuxuu sheegay inuu aaminey niman salka kala xiriirsan ninkii macangag ka ahaa ee Maxamed Xusni Mubarak. Wuxuu sheegay in Al-Sisi oo dabamarteeyey Madaxweynahiisa uuna xiriir hoose oo khiyaano qaran ah la sameeyey dalal uu sheegay inay cadow ku ah Qaranimada Massar.

‘’Manaan fileyn in Ciidamado arimahan ku kacayaan soona faragelinayaan dalka, kaaga sii darane manaan fileyn in Washington iyo Brussels ay aamusayaan hoosna ka kicinayaan qabta dalka ka dhacday”’ Ayuu yiri  Abdul Mawgoud Dardery.

Tan iyo maalintii la eryey Madaxweyne Mursi waxaa banaanbaxaya malaayiin dad ah oo taageersan, shalay oo jimce ahayd waxaa ku soo biireen  taageerayaashii dadkale oo aan Ikhwaanu Muslimiin taageersanayn balse ka xun qaabka Militraygu dalka ula wareegay oo ah mid ka baxsan qanuunka dalkaasi u degsanaa, Waxaana dad badan oo xeeldheerayaal ahi is weydiinayaan Mustaqbalka Massar oo ah dalka ugu saameynta badan Carrabta halka uu ku danbeyn doono. Madaxwene Mursi ayaa ilaa hadda aan laga helin wax wara waxaana wararku qaar sheegayaan in laga yaabo in uu u dhintay tooreydaas balse la qarinaayo.

Idale News Muqdisho