DAAWO SAWIRADDA:- Qarax Kismaayo lagula eegtay Ciiddamadda AMISOM gaar ahaan Sera leon

0
208

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa sheesheegaya in Qarax khasaare geestay lala eegtay Ciidanka AMISOM  Magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay ciidanka Sera leon ee ku sugan Magaalada Kismaayo,waxaana uu ka dhacay nawaaxiga beerta Xuriyada ee Magaalada Kismaayo.

Kolonyada gaadiidka ayaa qaraxa lagula eegtay waddada ag marta isbitaalka guud ee magaalada xilli ay ku wajahnaayeen garoonka diyaaradaha.

Rasaas ay fureen ciidanka AMISOM ayaa dishay qof rayid ah, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay weriyaha Bar-kulan ee Kismaayo.

Xaalada nawaaxiga beerta Xuriyada ee Magaalada Kismaayo ayaa dagan,iyadoo qaraxa kadib ciidanka Sera leon ay durba halkaasi isaga dhaqaaqeen.

DAAWO SAWIRADDA:-

1

2

3

4

4

5

Idala News Muqdisho