Muqdisho (INO) — Saraakiisha Sirdoonka Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Liibaan Xaaji Maxa’ed, oo kamid ah Shaqsiyaadka ugu horeeya ee ku jira Liiska Argagaxisada ee FBI ayaa lagu qabtay Gudaha dalka Soomaaliya.
Liibaan oo Labo Sano kahor kasoo tagay Mareykanka ayaa wuxuu ku dhex-jiray Kooxda Al shabaab oo uu katirsanaa, waxaana Dowladda Mareykanka ay ku eedeysay inuu Taageero siin jiray Al shabaab, sidaasi darteedna Halis ku yahay Amnigeeda.
Halkan Ka Daawo.
Saraakiisha Dowladda Mareykanka ma aysan sheegin qaabka loo qabtay Liibaan, hase ahaatee waxay shaacisay inuu dhawaan galay gacanta Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
FBI-da ayaa u balaanqaaday Lacag gaaraysa 50,000 (Konton Kun) oo Doolar Qofkii siiya Macluumaad horseedi kara soo qabashada Liibaan Xaaji Maxa’ed.
Hay’adda Amniga Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa mudo Maalmo ah Dusha kala socday Dhaq-dhaqaaqa Liibaan, oo la sheegay in markii uu kasoo safray Gobolada Jubbooyinka oo kusii jeeday Muqdisho ay qabteen.
Liibaan oo 29 Jir ah ayaa wuxuu haystaa Dhalashada Dalka Mareykanka, wuxuuna ku noolaa oo Tagsiile ka ahaa Waqooyiga Magaalada Virginia ee Gobolka Washington, waxaana markii danbe lala xariirinayay inuu Tababaro siiyo Dhalinyaro oo uu usii diri jira Kooxda Al shabaab.
Lama oga in Dowladda Soomaaliya ay Liibaan ku wareejin doonto Sirdoonka Mareykanka, maadaama Labada dalka uusan ka dhaxeyn Heshiiska is-dhaafsiga Shaqsiyaadka ay doonayaan in loo soo gacan geliyo.
Idale News Online -Muqdisho