Garowe(INO)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiwali Max’ed Ali Gaas ayaa manta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubaland, halkaas oo uu ka helay casumaad ka rasmi Madaxweynaha Jubaland Axmed Max’ed Islaam.
Madaxweyne Gaas oo ay socdaalkiisan ku wehelin doonaan wasiiro, Isimada dhaqanka qaakood iyo taliyaasha amaanka ayaa qaadan doona labo maalmood, waxa ayna maalmaha ay joogaan Kismaayo ay la kulmi doonaan Madaxda Jubaland o ay wax badan ka wada hadli doonaan.
Arrimaha Siyaasada ee dalka, Hiigsiga Jubaland iyo Puntland oo ah in ay noqdaan isku siyaasad cad, marka la gaaro doorashooyinka dhaw ee dalka Soomaaliya, dhameystirka maamulka Jubaland.
Isimada dhaqanka ee raacaya wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ayana utagaya halkaas arrimaha Qabaa’ileedka iyo xalinta khilaafyo ka jira gudaha beelaha degan Jubaland oo ku abtirsada deegaanada Puntland.
Waa booqashadii uhoreysay ee uu Madaxweynaha Puntland kutagayo magaalada Kismaayo tan iyo markii uu qabtay xilka sannadkii hore bilowgiisa, wuxuuna dhawr jeer dibu dhacyo kuyimaadeen safaro uu kutagi lahaa magaalada Kismaayo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe.