Dirasaad laga soo Saaray Aragtida Shacabka dalka Mareykanka ee Xag-jirnimada Muslimiinta

0
273

Washington(INO) — Daraasad cusub ayaa muujineysa in farqi weyn uu u dhaxeeyo taageerayaasha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga Mareykanka, taasoo ku Saabsan sida Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ee lasoo dooran doono uu uga Hadli lahaa Xag-jirnimada Islaamiga ah.

Warbixintan oo ay soo saartay xarunta Daraasadka ee Pew ayaa Muujinaysa in 65% dadka Jamhuuriga ah ama u janjeera ay doonayaan in Madaxweynaha soo socda ee Obama bedeli doona uu si Cad uga Hadlo Xag-jirnimada Islaamiga ah, Xitaa haddii ay taas dhib ku tahay guud ahaan Islaamka.

Sidoo kale, dadka Dimuquraadiga ah ama dhankiisa u janjeera 70% ayaa la sheegayaa inay iyaguna madaxweynaha xigi doona madaxweynaha xilligaan ee Barack Obama uu si ay ku jiro taxaddar uga hadlo Arrintaan.

Bulshada Mareykanka ayaa la sheegay in aysan Kala-bar doonayn in Madaxweynaha Xiga Barack H. Obama uu cambaareeyo Diinta Islaamka, marka uu ka hadlayo arrinta la xiriirta xag-jirnimada Islaamiga ah.

Daraasadda oo la sameeyay bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo ayaa lagu ogaaday in kala-bar dadka Mareykanka ay aaminsan yihiin in qaar ka mid ah Muslimiinta dalka Mareykanka ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka.

Shacabka Mareykanka ah ayaa 11% la sheegayaa inay rumeysan yihiin in gabi ahaan ama ku dhawaad dhammaan dadka Muslimiinta Mareykanka ah ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka.

Ugu dambeyn, laba meelood saddex meel shacabka dalka Mareykanka ayaa isku raacsan in dhibaatada ugu weyn ay tahay in Diinta Islaamka ay dad rabshadaha jecel u adeegsanayaan inay ugu cudur daaraan ficilladooda.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here