200 milyan oo gabdha loo guday fircooni ayaa ku nool caalamka

0
329

Muqdisho(INO)-Warbixin ay maanta soo saartay Hey’ada UNICEF ayaa lagu sheegay in aduunyada ay ku noolyihiin ilaa iyo 200 milyan oo gabdho iyo haween oo loo guday habka gudniinka fircooniga.

Hablahan ayaa nus ka mid ah waxay ku noolyihiin dalalka Masar, Itoobiya iyo Indonesia.

Somalia, Guinea iyo Djibouti ayaa wali si xowli ah looga isticmaalaa habkaan gurracan ee gudninka ah, hase yeeshee boqolkiiba 30 ayuu hoos uga dhacay inta badan dalalka caalamka sida ay sheegeyso warbinta UNICEF oo lagu soo aadiyey maalin ka hor xuska maalinta ka dhanka ah Gudniinka Fircooniga oo ku beegan berrito oo Sabti ah.

Qaramada Midboobay ayaa ka shaqeyneysa sidi ay u cirib tiri laheyd Gudniinka Fircooniga oo ah in la jar jaro xubinta taranka gabadha, waxaana ay qabsatay sanadka 2030 in ay noqoto bartimaameedka ugu danbeeya ee FircoonigLabada boqol ee Milyan ee la nool gudniinka fircooniga 44 milyan oo ka mid ah waa gabdho da,doodu ay ka hooseyso 14 sano jirro.

Sarkaal ka tirsan UNİCEF oo lagu magacaabo Claudia Cappa ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuti ay yihiin dalalka ugu badan ee ilaa iyo iminka sida ba,an looga adeegsado caadadaan aadka u gurracan ee gudniinka fircooniga, waxana uu sarkaalkan tilmaamay in 10-ki gabar oo ku dhalata Somalia ay 9 ka mid ahi loo gudo fircooni.

Dalalka Liberia, Burkina Faso, Kenya iyo Masar ayaa soo saaray sharciyo adag oo ka dhan ah fircooniga taasoo hoos u dhigtay gudniinka fircooniga.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here