Labo nin oo xigto yihiin Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheekh oo loo kala magacaabey Booliiska & Nabadsugida dalka

0
210

Ka dib markii weerar is xigxiga oo lagu qaadey gudaha xarunta madaxtooyada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilalkii taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo kan Nabadsuga dalka laga qaadey xilalkii ay hayeen, waxaana loo magacaabey labo nin oo ay kala wataan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo Xillalkii ka qaaday taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliya, General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac,

Xilka Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliiska ayaa loo magacaabey G/Sare Maxamed Shiikh Xasan Ismacaiil  oo xigto dhow ay yihiin Ra’iisul Wasaare Abdiwali. Taliyaha cusub ee Booliiska ayaa waxay heyb wadaag yihiin Ra’iisul Waasaare Abdiwali Sheekh Ahmed Mohamed, waxuuna horey u ahaa taliyaha hogaanka InterPol ee ciidanka Booliiska

Sidoo kale Agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magcaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa Danijirii Soomaaliya ee dalka Uk. Isla markaasna nin ka soo jeeda gobolka Hiiraan, hase ahaatee la qaraabo dhow ay yihiin hooyada dhasey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

rajo

Idale News Online