Kulumo Lagu Xalinayo Xiisada Degmadda Baledxaawo oo Ka Dhacdey Degmadaasi Iyo Maamulka Oo Ka Hadley.

0
198

Waxaa meel wanaagsan maraya qorshe la doonayo in xal buuxa looga gaaro dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo marar badan ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, sida maamulka degmada uu sheegay.

BALAD-XAAWO-

Buule Aadan Qaloocow gudoomiyaha degmada Beledxaawo, oo u waramayay idaacada Risaala ayaa sheegay in wafdi ka socda maamulka KMG ee Jubba iyo xildhibaano hore ay gaareen degmadaasi Beledxaawo.

Gudoomiyaha ayaa xusay in kulamadaasi ay yihiin kuwo rajo weyn ku abuuray shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo oo dhowr jeer dagaalo soo noqnoqday ay ku qabsadeen degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka sugayaan wafdi uu hogaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada xooga dalka Soomaaliya, six al dhameytiran looga gaaro dagalada ka dhacaya degmadaasi.

Wuxuu ka dalbaday dhinacyada ku dagaalamaya degmada Beledxaawo inay qaataan qorshaha nabada la doonayo in laga yagleelo degmadaasi, waxaana dagaalkaasi la sheegayaa inuu u dhaxeyo dhinacyo kala matalaya maamulo ka dhisan koofur galbeed Soomaaliya.

Idale News Online , Baladxaawo, Gedo.