Warbixin: Madaxweyne Madoobe Nuunow oo buurtii dheereed ka soo degay kadib markii war aanan farxad gelin ay gacanta ka saareen.

0
202

Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Nicholas Kay ayaa si cad ugu sheegay Garabka Madoobe Nuunow in maamul goboleedkooda uusan ahayn mid taageero ka heysta dhamaan beelaha dega Koonfur Galbeed, sidaas darteed ay tahay in ay ay wadahadalo la furaan madaxda maamul goboleedka Koonfur galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Madeer, iyadoo la eegayo marxalada siyaasadeed ee dalka marayo iyo rabitaanka dadka Koonfur galbeed.

Laba Mas’uul ayaa sidoo kale farta ka saaray Kooxda Madoobe Nuunow maalmihii na dhaafay in madax-adeyg walba oo ay ka sameeyaan arintaas ay u horseedi doonto in ay galaan go’doon, oo ay tahay in ay la fariistaan maamulka Koonfur galbeed kuna heshiiyaan awood qeybsi ku saleysan maamul goboleed ka kooban 3 gobol.

Xaqiiqda ay faraha ka saareen Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Nicholas Kay garabka Madoobe Nuunow ayaa waxa ay keentay in waaga ku baryo Madoobe Nuunow iyo gacan yarayaashiisa, ayna ka soo baxaan riyo maalmeedkii ay ku jireen, ayna aqbalaan in wadahadalo awood qeybsi ay la galaan Madaxeyne Madeer iyo wafdiga uu hogaaminayo ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa maalinta berito ah ku soo biiri doona Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Xasan Fiqi oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Magaalada MarkaCadey , kaas oo maanta gaaray degmada No 50oo ah magaalo astaan u noqotay dagaalka xaq udirirka ah ee ay ku jiraan reer Sh.Hoose.

Wadahadalada u furmaya labada garab waxaa looga hadli doonaa oo kaliya sida ay maamulka Madoobe Nuunow ugu soo biiri lahaayeen maamul goboleedka K.Galbeed, jagooyina looga siin lahaa.

Madaxweyne Madeer waxa uu diyaar u yahay in uu tanaasulaad intii macquul ah u sameeyo Maamulka Madoobe Nuunow, isagoo eegaya maslaxada iyo danaha dadka Koonfur galbeed laakiin waxaa la saadaalinayaa in qaar ka mid ah taageerayaasha Madoobe Nuunow, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool ee saameynta ku leh maamulkiisa ay caqabad ku noqdaan in labada garab ee Koonfur galbeed ay isku raacaan maamul u daneynaya shacabka Koonfur galbeed waayo waxa taageero dhaqaale iyo mid niyadba oo xoog leh ay geliyeen maamulka Madoobe Nuunow, waxaana adag in Madoobe Nuunow inkastoo uu xaqiiqda la socdo haddana uu hal mar runta u sheego, waxaana loo badiyaa in badan uu cago-wareejin doono.

Taageerayaasha Jidbeysan ee Maamulka Madoobe Nuunow ayaa kadib markii ay ka warheleen in Nicholas Kay iyo dowladda Xasan sheekh  ay farta ka saareen xaqiiqda jirta, waagana ku baryay ayaa waxa ay bilaabeen in ay eedeemo u jeediyaan Nicholas Kay oo ay ku sheegeen in uu yahay shakhsiga hortaagan in la aqoonsado maamul goboleedkooda laakiin xaqiiqda waxa ay tahay maamul goboleedka K.Galbeed cida dijden in uu dhismo ay tahay garabka Madoobe Nuunow oo ku dhegan arin aan marna soconeyn, iska dhigayana in ay iyaga wakiil muqadas ah ka yihiin dadka K.Galbeed.

Waxaa ceeb ku ah dadka Koonfur galbeed in maanta arintooda looga doodo Muqdisho, ayna dhex dhexaadiyaan xukuumad ay gar wadeen ka yihiin shakhsiyaadka doonaya in ay ku dhul-balaarsadaan deegaanada dadka Koonfur galbeed laakiin waxa arinta heerkan gaarsiiyay garabka Madoobe Nuunow oo isu arka in iyaga kaliya xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan masiirka reer K.Galbeed, ayna inta kale tahay in ay madaxa u raariciyaan riyadooda ka fog waaqaca siyaasadeed ee dalka maanta marayo.

Ugu dambeyntii Maalmaha soo socda waxa ay si cad u ogaan doonaan dadweynaha Koonfur Galbeed khiyaanada iyo marin habaabinta ay garabka Madoobe Nuunow ku hayaan, waxaana kadib loo gudbi doonaa maamul xalaal ah oo ay yeeshaan gobolada Koonfur galbeed.

Idale News Online, Muqdisho.