Kulan Wasiirada Arrimaha Dibada Masar iyo Ethiopia ku yeesheen Addis Ababa oo Fashil ku dhamaadey

0
187

Kulan dhexmaray Wasiirada arrimaha Dibada ee Masar Iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday is af-garanwaa, waxaana gabi ahaanba la baajiyay Shir saxaafadeed la doonayay in Wasiiradu qabtaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar Mohamed Amr ayaa ku sugnaa Addis Ababa ilaa shalay wuxuuna kulano khaas ah la qaatay Wasiirka arrimaha Dibada ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom.

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya, Dina Maftu ayaa u sheegay warbaahinta in la joojiyay Shir saxafadeed la doonayay inay labada wasiir kula hadlaan Warbaahinta, wuxuuna hadalka raaciyay in ay doonayan inay Masar fahanto in biye-xidheenka uusan waxba u dhimaynin.

Itoobiya ayaa shaacisay Bishii la soo dhaafay inay bilaabeen leexitaanka Biye Xireenka Wabiga Blue Nile oo ah wabiga nolosha shacabka Masar ay ku nool yihin, Masar ayaa aaminsan in 30% Biyahaasi is dhimanaayan midaas nolosha dalkeeda sahmayn xoogan ku leh.
eth-iyo-masr
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Iyo Ururka Midowga Afrika ayaa oogu baaqay in wadda haddalo laga furo arrimaha Biyaha.

Masar Iyo Dadaaladeeda Siyaasadeed!

Masar ayaa xoojisay cadaadisyo Siyaasadeed oo ka dhan ah Itoobiya waxayna u dirtay Wafuud kala duwan dalalka Caalamka, gaar ahaan Dalka China oo ay aaminsan tahay inay ku lug leeyihin Biye xidheenka Itoobiya.

Dhanka Kale Masar ayaa u dirtay Saraakiil Ciidan Dalka Soomaaliya kuwaas ay sheegeen inay booqon doonaan, Magaalooyinka, Baladweyne, Baydhabo, Kismaayo Iyo Muqdisho.

Mucaaradka Dalka Masar ayaa sheegay inay caawin doonaan Ururada ku kacsan Itoobiya sida Jabhadda ONLF, Jabhadda OLF ee Oromada.

Idale News ONline