Kulan ka dhacey Jaamacadda Kismaayo oo Digniin culus loogu direy Xildhibaan Xoosh iyo Diyaargarow dagaal oo Kismaayo ka bilowdey (Dhageyso+Daawo)

0
178

Waxaa maanta ka dhacay degmada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Munaasibad balaaran oo looga hadlayay xaaladaha cakarin ee deeganada Jubbooyinka gaar ahaan Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo,

Kulanka oo ka dhacay Jaamcada Kismaayo ayaa waxaa kasoo qayb galay Boqolaal ka tirsan Ergadii dooratay Madaxwaynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, Gudigii Farsmada Shirka Kismaayo, Masuuliyiin ka socday Maamulkii hore ee KMG ahaa, iyo Guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Yusuuf Awlibaax.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Intii uu kulanku socday ayaa halkaasi laga jeediyay hadalo kala duwan oo looga soo horjeedo go’aankii ay Urur goboleedka IGAD ka qaateen arimaha Jubbooyinka.

Dhageyso mid ka mid ah ergadii kulanka joogey qaar ka mid ah hadaladiisa oo aad u kululaa:

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/gudomiyaha-gudig-farsamada-mclin-maxamed-ibraahin-oo-edeyn-dusha-kaga-turay-dowlda-som..mp3]

Tan iyo markii shirka IGAD ay go’aansheen in dowlada Somalia ay garwadeen ka noqoto shirka ka socda Kismaayo isla markaasna kulan laysugu yimaado Magaalada Muqdisho waxaa bilowdey xasaasiyad ka dhex abuuranta taageerayaasha labada dhinac ee Ogol ama diidan Jubaland, waxaaana Maamulka Kismaayo iney diidaan in ay wafuuda dhanka Muqdisho ka imaaneysa oo aan imaanshahooda lagu soo wargelin soo gali karin gobolka.

 

Idale News Muqdisho