Wasaarada dhismaha iyo deegaameenta xukuumada wadanka Ciraaq ayaa sheegtay in ay si toos ah u bilaabi doonto 3-mashruuc oo la xiriira dhanka dhismaha oo ay ka sameeyneyso Somalia waxaana ay ku kici doonta qiimo lacaged oo gaaraya 15-milion oo dolarka Maraykanka.
Wasaaradu waxa ay tilmaantay in shaqaalihi howlahaasi ka fulin lahaa Somalia ay diyaar garowgii ugu danbeeeyay ku jiraan.
Hadalka wasaarada dhismaha iyo degaamenta dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in ay timid ka dib markii golaha wasiirada wadankaaasi ay bixiyeen amarka ku aadan in lacagta qiimaheedu gaarayo 15-ka million oo dolarka Maraykanka mashruuc dhanka dhismaha loogu sameeyo Somalia.
Iraq waxa ay kamid tahay dowladaha xiligaan doonaya in ay wax ka dhisaan dalka uu burburiyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Idale News Online