Korneyl Barre Hiiraale oo gelida Kismaayo geeri ka door biday.

0
289

Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo hore laba mar wasiir uga soo noqday xukumadahii KMG ee dalka Soomaray ayaa hadda diday in uu Kismaayo ku tago dadaal nabadeed oo uu wado RW Soomaaliya Cabdiweli Sheekh.

Barre Hiiraale ayaa sanad ka hor kaga baxay Kismaayo dagaal qaraar oo sababay dhimashada 175 qof iyo dhaawaca 250 qof oo socda seddex maalmood, dagaalka waxuu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan, Barre, Baaleey iyo Baasto (BBB)  iyo ciidanka maamulka KMG Jubba oo dhinac ah.

Barre, Baaleey, iyo Baasto waxay wada sheegteen in ay madaxweynayaal yihiin laakin dagaal kaddib waxaa Kismaayo si nabad ah uga dhoofay oo ay DFS garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dhoofisay Baaleey iyo Baasto mudo ay jogeen Muqdisho kaddib Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho ayeey hadana DFS soo raacisay oo tiri Kismaayo hala geeyo hadda waxay si nabad leh ku jogaan Kismaayo ayagoo la siman shacabka.

Barre Hiiraale ayaa qaatay go’aan ka bedelian midka saxibadiis Baalee iyo Baasto ay qaateen waxaa uu ka door biday nabad ku gelida Kismaayo in uu dagaal mar labaad ku galo Kismaayo, waxaa uu degay tuulada Goobweyn dhisme weyn oo ku ag yaal xarunta shirkada Hormuud Gobweyn ayuu hoy ahaan daga Barre.

Ciidan gaarayo tirro ahaan 300 oo askari ayaa la sheegay in uu Barre heysto waxay isku hoy yihiin dagalyahno ka tirsan Al-Shabaab lamana yaqaan siyaasada mideysay.

DFS ayaa sheegtay in ciidanka Barre la fadhiyo Gobweyn ay yihiin ciidan ka tirsan xooga dalka una xisaabsan DFS sidoo kalena ay ka war heyso xaaladaha ay ku sugan yihiin.

RW Soomaliya oo gaaray Kisamayo ayaa waday dadaal dheer oo uu la galayo Barre iyo Madoobe si nabad loogu soo xareeyo Barre iyo Ciidankiisa.

Xiriir qadka telfoonka ah ayaa dhex maray RW Cabdiweli iyo Barre waxana uu Barre af cad ku diiday in uu Kismaayo imaado inta ay Kenya iyo ciidanka maamulka KMG Jubba jogaan haddii uu imanayana wuxuu carrabka ku adkeeyay in uu qori caaradiis ku imaan doono.

RW Soomaaliya ayaa xiriir la sameeya saladiin beesha Sade oo uu ka soo jeedo Barre sidoo kale waxaa lagu fashilmay in uu Barre wax ka maqlo ugaasyada beesha Sade oo go’aankiisa ayuu qaatay.

Wali war cad lagama soo saarin arrinta Barre laakin warar hoose ayaa sheegaya in Barre uu doonayo in xil laga siiyo Kismaayo haddii uu tagayo maamulka KMG Jubba waxaa ay donayaan in Barre uu Kismaayo yimaado sidoo kalena uu horey usii raaco RW Cabdiweli safarkiisa uu dib ugu noqonayo Muqdisho.

Dadka saadaaliyo siyaasadaha Jubbooyinka ayaa hadal haya waxa dhalan kara haddii ciidan kala hogaan ah kala mowqif ah la iskugu keeno Kismaayo.

barreHiiraale

Idale News Online,Goob-weyne, Jubadda Hoose.