Hooyo Soomaaliyeed oo ku geeriyootay xabsi ku dhex yaal garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta.

0
206

Hooyo Soomaali oo lagu magacaabi jiray Saynab Bulxan oo ku xirnayd xabsiga ku yaalla garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi ayaa dhimatay.

Saynab oo da’deeda lagu sheegay 40 jir ayaa geeriyootay iyadoo sugaysay in loo masaafuriyo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan ururrada u dooda xuquuqda bini’aadamka, Saynab ayaa u dhimatay cimilada qabow ee garoonka.

Dowladda Kenya ayaa saaka Muqdisho u masaafurisay 91 qof oo Soomaali oo u badnaa haween iyo carruur.

Waxaa wali xabsiga Jomo Kenyatta ku xiran 123 qof oo kale oo sida ugu dhakhsaha badan loogu celin rabo Soomaaliya, sida uu sheegay madaxa booliska Kenya, David Kimaiyo

406 kale oo Soomaali ah ayaa iyaguna lagu celinayaa xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma.

Maxaabiis

Idale News Online, Nairobi, Kasaraani.