Kooxda Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixii Sedexaad Ee Tababare Antonio Conte

0
255

Kooxda Chelsea ayaa isku raacday heshiis ah inay dhameystirto saxiixa goolhayaha  da’da yare ee Marcin Bulka, sida ay ku dhawaaqday kooxda goolhayaha.

16-sano jirkaan goolhayaha ah ee uu ciyaara FCB Escola Varsovia – akadeemiyada rasmiga ah ee naadiga Barcelona ku leedahay dalka Poland – ayaa oo soo gaaray Stamford Bridge si uu u dhamaystiro hishiiskaan.

Chelsea have reached a deal to sign 16-year-old Polish goalkeeper Marcin Bulka who stands 6ft 5in

Waxaa la fahamsan yahay tababarayaasha Blues in ay la dhaceen adeegiisa ka hor xilli ciyaareedka 2016/17. da’da yarka aadka loo qiimeeyo ayaa la filayaa in uu ku biiro akadeemiyada kooxda Chelsea  xilli ciyaareedka soo socda, halkaas oo uu ka dibna kasoo  gali karo kooxda koowaad ee macalin Antonio Conte.

Chelsea manager Antonio Conte swooped for the teenage goalkeeper and beat Barcelona to his signature 

Bulka ayaa noqon doona saxiixii seddexaad ee xagaagan uu sameeyo tababare Conte ka dib markii tababaraha reer Talyaani uu keenay  weeraryahanka Marseille Michy Batshuayi iyo xidiga qadka dhexe ee Leicester N’Golo Kante.

Goolhayihii hore ee Chelsea Henrique Hilario kaasoo u ciyaaray kooxda intii u dhaxeysay sanadaha 2006 iyo 2013 ayaa ah  mid ka mid ah tababarayaasha ugu baaqay in kooxda in ay sameeyo heshiiska si uu ugu soo biiro kooxda safarka ku joogta US.