Kooxaha Borussia Dortmund Iyo Sporting Lisbon Oo Ku Maadsaday Labadii Barbaro Ee Ay Real Madrid La Soo Gashay Kooxaha Villarreal Iyo Las Palmas

0
295

Kooxda Borussia Dortmund oo ay Real Madrid talaadada wada ciyaari doonaan kulanka wareega labaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga ayaa Los Blancos ugaga maadsaday in ay ku soo dhibtootay kooxaha uu midabka maaliyadoodu huriga yahay iyada oo Dortmund maanka ku haysa in Real Madrid ay barbaro la soo gaashay kooxaha Villarreal iyo Las Palpas isla markaana ay iyagu noqon doonana kooxdii saddexaad ee midabkan xidhan oo Real Madrid ka hor iman doonta.

Barta rasmiga ah ee twitterka Borussia Dortmund ayaa la soo dhigay fariin ay Real Madrid ku waydiinayaan in ay ku dhibtoonyaan kooxaha ay maaliyadoodu midabka huriga ah tahay. Waxaana sheekada dhexda ka soo gashay  kooxda Sporting Lisbon ee guuldaro ay Real Madrid ka soo gaadhay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee kulankii Bernabeu ee Champions Leaque-ga waxayna sheegeen in kaliya Real Madrid ayna ku dhibtoon midabka huriga ah balse ay sidoo kale ku dhibtootay midabka akhtarka ah ama greenka ah.

Borussia Dortmund ayaa barteeda twtterka ku soo qortay: Waxaad waqti adag ku soo qaadateen la ciyaarista kooxaha xidhan midabka huriga ah, Real Madrid miyaad ku soo dhibtooteen?”. Laakiin Sporting Lisbon ayaan ilaawin in Real Madrid ay hogaanka ka haysay ilaa daqiiqadii 89 aad ee kulankii Bernabeu balse ay haddaba dhamaadkii kulankan guuldaro la kulantay waxayna soo qortay: ” Real Madrid waxay sidoo kale ku dhibtootay midabka greenka ah ama akhtarka ah, labadiinaba nasiib fiican”.

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa  Talaadada , September 27 ku balansan Signal-Iduna Park iyada oo si wayn loo sugayo kulankan. Dortmund ayaa qoraalka ay Real Madrid ku waydiisay in ay midabka huriga ah ku dhibtoonayso waxay soo raacisay sawirka natiijadii kulankii Las Palmas.

Läuft derzeit nicht so gegen gelbe Teams, oder? // You’re having a hard time playing teams that wear yellow, do you @realmadriden? https://twitter.com/realmadriden/status/779781408453697536