Baydhabo(Idale News Online)-Xubnihii hor boodayey Shirka Maamulka loogu dhisayo Saddex Gobolka oo ka mid ah Gobolada Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku biiray Maamulka uu hogaamiye Madaxweyne Madoobe Nuunoow.
Waxaa la sheegay in Xubnahaan ay Hogaaminayaan Shiine Macalin Nuur Gudoomiye Xigeenkii Maamulka Gobolka Baay islamarkaana ahaa Hogaamiyaha Maamulka Saddexda Gobol u ololeenaya,iyo Sandheere Max’ed Iftin oo ah Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Baay.
Xubnahaan ayaa mudooyinkii danbe ku shirayey Hottel Bakiin ee Magaalada Baydhabo,ayadoona lagu soo waramayo in Xalay ay ka Guureen oo ay Dageen Hottel lagu Magacabo Manchester islamarkaana lagu wareejiyey Ciidamo Amaankooda suga oo uu leeyahay Maamulka Madaxweyne Madoobe Nuunow.
Malaaq Cali Shiine ayaa wax baahinta u xaqiijiyey in Mas’uuliyiintaan ay wada hadal ku yimaadeen islamarkaana ay maanta shaacinayaan in ay la midoobeen Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed.
Waxaana Arintaan ay Culeeys ku tahay Siyaasiinta ka soo hor jeeda Maamulka Madaxweyne Madoobe Nuunoow iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya intaba.
Idale News Online, Baydhaba