Ciidamada Dowlad Goboleedka KG soomaaliya oo dhawaan loo furi doono Tababaro.

0
188

Wariye Ilyaas Qalinle oo ah sufiyiinta koonfur galbeed ee soomaaliya   ayaa waxa uu wareysi xiisa badan la yeeshay malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Malaaq Cali Shiine ayaa sheegay inay xaalada magaalada Baydhabo tahay mid wanaagsan islamarkaasna ay magaaladu roobsatay jawiguna yahay mid hagaagsan.

Dhanka kale, malaaq Cali Shiine ayaa sheegay inay diyaariyeen xeradii lagu tababari lahaa ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya. kuwaasoo sida la sheegey ay hanan doonayaa gobolada iyo degmooyink  uu ka koo ban yahay maamulka KGS.

Mar uu ka hadlayay siyaasiyiinta kasoo baxday Shirkii  ka socotay Hotel Bakiin ayuu sheegay inuu barnaamishkaasi markii horeba ahaa mid meelo kale lagasoo abaabulay balse ay ku guuleysteen inay tusaan dhibaatada loosoo maleegayo dadyowga Koonfur galbeed Soomaaliya ,

si kastaba ha ahaatee, waa marki ugu horey hadal noocan  ah ku soo baxay odayaasha koonfur galbeed soomaaliya tan iyo markii laga yagleeley maamulka KGsoomaalya oo hogaamiyo madoobe nuunow, isla markaana dowlad soomaaliya saluugsan tahay maamulak csub oo ka koo badan yahay lix gobol.

CIIDANKA

Idale news Online.