Qaar kamid ah waxgaradka Kismaayo ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhex taagan madaxda ugu sareysa maamulka KMG ah ee Jubba ee ku wada sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Nabadoon C/Rashiid Macalin Gaas, ayaa u sheegay Caasimada Online in dhinacyada maamulka KMG ee Jubba ay isku khilaafeen arimaha Jabhada ONLF iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu hadalka u dhigay.
Nabadoonka oo sidoo kale sheegta afhayeenka Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay in madaxda maamulka KMG ee Jubba ay isku qabsadeen arimaha dekada magaalada Kismaayo.
Dhawaan dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayuu ku sheegay inay cadeyn buuxda u tahay khilaafka madaxda maamulkaasi.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay madaxda maamulkaasi inay iibsan jireen dadka sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku guudinaya inay talaabo cad ka qaadi doonaan maamulka KMG ah ee Jubba.
Idale News Online, Kismaayo.