Gaadiid iyo rag fulinaaya weeraro ismiidaamin ah oo soo galay Magaalada Muqdisho (Aqriso magacyadooda).

0
170

Booliska Booliska ee Somaliya, ayaa daboolka ka qaaday in gudaha Magaalada Muqdisho ay u soo galeen, 10 nin oo ka tirsan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab iyo gaadiid dhan 3 xabo, oo ay ku doonayaan inay Magaalada Muqdisho kaga geystaan weeraro ismiidaamin ah.

Afhayeenka Booliska ee Somaliya Qaasim Axmed Rooble oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku faah faahiyay gaadiidka iyo ragga la doonaayo, inay weeraradaan ka geystaan Caasimada.

1- Gaariga 1-aad, ayuu noociisu uu ku sheegay Nissan Caravan, oo inta badan dadka Somaliyeed ay u garanayaan Hoomey/Caasi, oo taargadiisu tahay AB 945, midabkiisuna yahay Caddaan. Waxaa darawal ka ah Ibraahim C/raxmaan Axmed oo Somali ah, teleefankiisu gacantana waa 061 5303154.

2- Gaariga 2-aad, ayuu ku sheegay noociisa Toyota Noah, taargadiisuna waa AB 786. midabkiisuna uu yahay qalin, ninka wadana waxaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur Munye oo Somali ah. Teleefankiisa gacantuna waa 0615 597410.

3- Wuxuu sheegay in ninka lagu magacaabo C/risaaq Yuusuf Aadan, oo wata teleefanka 061 5088121, uu maleygaayo in uu weerar ismiidaamin ah ka fuliyo Caasimada, inkastoo aanu sheegin gaariga uu wadaha ka yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 3-da nin ee la socoto gaadiidka la qorsheynaayo in weeraro looga geysto Magaalada Muqdisho, ay la socdaan ilaa toddobo nin oo kale, oo iyaguna doonaaya inay ismiidaamin ka geystaan Magaalada.

Magacyada toddobada nin

1- Maxamed Xersi Yuusuf teleefankiisu lama haayo
2- Maxamed Shirwac Cali oo wata teleefanka gacanta ah 061 5644656
3- Xuseen Yuusuf 061 5369328

4- C/laahi Raage Cumar 061 5864276
5- Maxamed Cabdi Cali 061 5591719
6- Xasan Cali Liibaan 061 5823102
7- Bilaal Aadan Kheyre 061 5545161

Afhayeenka Booliska, ayaa Ummada Somaliyeed kaga digay qaraxyada ay xambaarsan yihiin gaadiidkaan, ragga la socda ee wadayaasha ka ah iyo 7-da kale ee wehlineysa.

Qaasim Axmed Rooble, ayaa wuxuu ku baaqay in laamaha ammaanka lagu soo wargeliyo, 3-da gaari iyo 10-ka nin ee kale ee la tuhunsan yahay.

Muqdisho0

Idale News Online, Muqdisho.