Kenya: Uhuru kenyatta oo ugu baaqay mucaaradka sharciga iyo ammaanka in ay ilaaliyaan

0
212

Idalenews:Madaxweyne Kenyatta ayaa si cad ugu baaqay Booliska inay si wanaagsan ula dhaqmaan Mucaaradka,doorashadii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka Kenya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka diidan natiijada doorashada in ay garowsadaan in aan nahay dad Kenyan ah,waxaan ugu baaqayaa nabad iyo saaxibtinimo,”ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradka aysan uga baahnayn isaga iyo Booliskaba fasax inay banaanbaxyo nabad ah dhigaan, balse waxa uu sheegay in aan loo dulqaadanayn in dad dhiigooda la daadiyo iyo in la burburiyo hanti.

Mr Kenyatta oo ku guuleystey doorashadii 8dii bishan ka dhacday dalka Kenya kadib markii uu helay codad gaaraya boqolkiiba.

Hase ahaatee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashada mana ahan markii ugu horeysay, isagoo sheegay inaysan ahayn mid si cadaalad ah ku dhacday.